Ifraax Argagax iyo Anfariir ayaa la soo deristay, iyadoo gariireysa oo Wadnaheeda garaaciisa banaanka laga maqlaayo ayey taleefankiisii wacday, balse wuu xiran yahay, haddana waxey u wacday Wiil ay saaxiibo yihiin, Salaan ka dib wuxuu ku yiri:- Ifraax saaxiibkaaga wuu guursaday, wuuna Aqal galayaa Caawa Insha Allaah, maalin hore ayuu ii sheegay, inaad kala harteen, wuxuuna igu yiri Gabadhaas Ifraax ah Saaxiibo ayaa nahay Aniga, balse wax jacayl ah managa dhaxeynin, waana gabar aad u fiican oo sharaf iyo Ixtiraam leh, aad ayuu kuu Amaanaayay.
Ifraax Hadalkaas markey maqashay, ayaa wadnihii Qarxi gaaray, Garaaca wadnaha ayaa Cirka isku Shareeray, Madaxa intuu wareeray ayey jilbaha dhulka ku dhufatay, markaas ayaa Miyir ugu dambeeyay, dhaqtarka ayaana loola Cararay.
Xilli dambe ayey soo baraarugtay, iyada oo dhaqtarka taala ayeyna is aragtay, waxey dib u celisay Xasuusteeda, iyada oo is leh, tolow wixii ma Run bey ahaayeen, mise waa Riyo.
Ilaahow Riyo ka dhig ayey qalbiga iska laheyd, marna waxey isleedahay, miyaad waalatay, maxaa kugu dhacay, Maskaxdaadu ma deggena miyaa, Riyo iyo Cadaan miyaad kala garan la’dahay.
Ifraax weli baaritaan laguma sameyn oo dhaqtarkii ayaa maqan, balse kuwii gargaarka degdegga ayaa Arrinteeda ku mashquulsan, oo si habsami ah u gudanaayo waajibkooda inta uu dhakhtarku imaanayo.
Ayuub Caawa wuxuu isku diyaarinayaa Aroos uu la galo Amran, oo iyaduna soo qiyaantay, Nin ay dhawr sano lacagtiisa ay cuneysay.
Mustaqbal ifaaya iyo Qoys jaceyl ku dhisan, ayey arkaan, wax walbana Ciyaar ayuu la yahay, Aroos qurux badana wey diyaarsadeen, habeenkii Arooska ayuu Asxaabtiisa oo dhan ku wada Casuumay Arooska, wuxuu iyadana casuumay gabadhii uu gurigooda deggenaa, markuu dhawaca ahaa ee Ifraax ay ku heysay.
Gabadhii la Casuumay wey qaadan weyday, waayo waxey ogayd jacaylka ka dhaxeeyay, Isaga iyo Ifraax, iyo Rafaadka ay la soo martay, markiiba waxey u wacday Ifraax, waxaana loo sheeegay iney Dhaqtarka taalo Intey soo carartay ayeyna dhaqso u timid.
Inta sariirti ay ku jiiftay, dhinac kaga fariisatay, ayaa waxay ku tiri:- Huuno jaceylkaagii aad sidaan arkay u soo dhaqaaleysay, ayaa iigu yeeray Arooskiisa, ee see wax u jiraan, ileen Nin Abaal ma leh. Ifraax intaas markay maqashay, ayey inta mar labaad jilbaha dhulka ku dhufatay, Koomo gashay.
Dhaqtarkii oo jooga, ayaa baaritaan degdeg ah ku sameeyay, Xaafadu wey ka naxsan yihiin, xanuunka ku soo booday Gabadhooda Ifraax, waayo xaalada lama socdaan.
Jawaabtii ayaana la wada sugayaa, isaga oo Ehelkii iyo Asxaabtii oo dhan ay meesha wada fadhiyaan, ayuu dhaqtarkii soo baxay oo yiri:- Hambalyo Gabadha Uur ayey leedahay oo waa Xaamilo, ee ka ilaaliya Murugada iyo Shaqada.
Dadkii meesha jooagay, markii ay maqleen, Hambalyadii dhakhtarka ayey Amakaag iyo Argagax ku noqotay, Hooyadeed oo meesha joogtay, ayaa Naxdin awgeed Indhaheedii illin ka soo daateen, dhulkii ayaa la Gariiray oo Adduunkii ayaa ku Ciriiriyoobay.
Oohin wax tari meysee Dadkii meesha joogay ayaa Hooyadii Qalbiga u dhisaaya oo leh:- Hooyo Ifraax waa ilmo yar, wey qaldantay ee iska Samra, ilaaheey Caruurta ha inoo hagaajiyee.
Kuwa kalena waxey leeyihiin, Hooyo is deji waxaa laga yaabaa Ifraax in la Mehersaday, yaan la degdegine, bal Wax hala hubsado.
Ifraax jaceylkii iyo dhaawaca wey ilowday, wax walba waxaa uga darnaaday, ugana Xanuun badnaaday Sumcad xumada ay u soo jiiday Labadeeda Waalid Hooyo iyo Aabe, iyo sida ay ugu tiir iyo tacab beeleen.
Waxey is leedahay yaa Naftaba kaa qaada, iyadoo ka sheekeeneysa maalintaas sida ay noqotay waxey tiri:- Geeridu wey ii fududeyd, waxaan islahaa ileen Dadka is dilaa dhibkaan oo kale ayey arkeen, waxaan ka fekeraayay, si ay Naftuba ii deyso, waxaan is lahaa yaa ku dila maalintaas, haddii aan ogaan lahaa meel nafteyda aan ku waayi karo anigoo aan is dilin waan aadi lahaa.
Gabadhii saaxibadeed ahayd oo ay wax walba u sheegtay, ayaa tiri:- Gabadha Nin ayaa si xun u galay, Qisadii ayeyna uga sheekaysay dadkii, waxeyna tiri:- Ifraax Mar ayey qaldantay, 1000 marna Wanaaag ayey samaysay ee ilaaliya.
Aabaheed oo meesha ka maqnaa, ayaa soo gaaray, markuu saas u soo galayba wuxuu dareemay iney wax is beddeleen, maxaa jira ayuu yiri, si Calaacal ah ayaana Mashaqada meesha ka dhacday loogu sheegay. Inta uu naxrin la gariiray ayuu kursi meesha yaalay ku fariistay, oo tix gabay Calaacal ah tiriyay.
Gabayga Micnahiisu oo kooban wuxuu ahaa, Waan ku soo koriyay, Waan kugu dadaalay, Waxaad u baahatay waan kuu sameeyay, Waan ku ilaashanaayay, Waan kugu faani jiray, Waayo Ninka saas kuu galay ee Silacaan ku marsiiyay ?.
Ayuub iyo Xaaskiis Amran, taleefanadii wey iska demiyeen, si ay uga nastaan Buuqa ama wicitaanka badan ee Asxaabtoosa, waxeyna Todoba bax u aadeen, Magaalo Bilicsan oo Dalxiis loo tago, isla markaasna loogu tala galay Lamaaneyaashu iney Waqti ku qaataan, gaar ahaan Xilliyada Aroooska, waxeyna soo qaateen Todobaadkii ugu Quruxda iyo Farxada badnaa Nolashooda.
Ayuub iyo Xaaskiisa Wax war ah kama hayaan, waxa dhacay iyo in gabadhii Ifraax aheyd ay Uur yeelatay midna.
Ifraax iyada oo baaba’day, oo weliba is nacday, Nafteedana aan waxba ku faleyn ayaa loo qaaday gurigooda. Gabar Sumcad iyo Magac leh, ayey ahayde hadda tuke cambaareystay ayaad moodaa, waxaana uga sii daran dhega Hadal iyo Af xumada, lala soo ag fariisanaayo.
( La soco Qeybta Xigta).





