Naxdin iyo Argagax ayaa ku dhacay markey aragtay, Ayuubkii ay nolasheeda u hibeysay, oo Daroogo isticmaalaya, waxey ku hadasho ayey garan weyday, balse durbadiiba Indhaheeda ayaa ilmo ka soo daateen.
Wadnaha ayaa aad u garaacmay, dhammaan xubnaha ayaa wada daalay, iyadoo gacanta ilmada isaga tireysa, waxey tiri:- Maxaad sameneysaa Caawa?, wuxuuna ugu jawaabay, waa Qalin jebinteyda oo Caawa waan iska baashalayaa.
Waxay rabtay, in ay Farxadiisa la qaadato, waxay rabtay, iney Mustaqbalkooda kala hadasho, balse wuxuu faraha kula jiraa Qurun iyo Wax Sumcadiisa haleynaayo. Iyada oo Murugo ka muuqato, Lugaheedana qaadi la’, ayey iska soo laabatay.
Maalmo ka dib Nafteeda ayey la hadashay oo oo ay ku tiri:- Nafyaheey ninkaan sidaas u dhaqmaayo miyaad Mustaqbalkaaga ku haleeneysaa?, oo Ninkaan Kheyral Masuulka ah Caruurtaada miyaa Aabe u noqonaa?, marna waxey Xasuusanaysaa Waqtigii, daalkii iyo Hantidii kaga baxay, marna Nafta waxey u sheegaysa haddii uu Caawa uun yahay waad ka jari kartaa, dhib maleh, waxeyna is tiri: Haddii uu Caawa keliya yahay waani oo la soco, balse haddii uu soo ahaan jiray, ka fogoow Agtiisa oo naftaada ka jar, dhibtay doonto ha kugu qaadatee.
Waxey wareysatay Wiilashii ay Saaxiibada ahaayeen isaga, Nasiib xumose waxey u sheegeen inuu weligiisa ahaa Nin isticmaala daroogada, balse uu iyada ka qarin jiray.
Ifraax wuu Casaaday Wejigeeda oo wax ku hadasho ayey garan weyday, oo waxey dareentay Ciil aanay horay u dareemin, mar waa la Qiyaanay, oo Been ayaa loo sheegay, marna waala khasaariyay, oo Waqti iyo Maal ayaa laga qaatay, oo lagu gadan jiray daroogo.
Mar mustaqbalkeedi ayaa lagu Ciyaaray, rajadeedana waa laga dilay, oo waxay qalbiga siisay Nin aysan weligeed ku fakarin inay la hadleyso.
Ifraax dhowr habeen ayey hurdo iska weysay, qof walba oo ay la tashatana wuxuu kula taliyay inay ka fogaato Ninkaas, waayo waxey aheyd Gabar Sharaf badan, dadkana wada jecel yahiin, laakin Qalbigeeda oy la tashatay, ayaa u keenay Jahwareerka maanta heysta.
Maalin walba inta ay wacdo ayey marka ay hadalkiisa maqsho, ilmeysaa, markaas ayey taleefanka jartaa, haddana wey ku celisaa iyada oo aan la hadleynin.
Ugu dambaynti waxey nafteeda ku Qancisay, iney Ayuub ka samirto, kana fogaato agtiisa, taleefankana iska demiso, Magaaladana ay isaga tagto. Lambarkii taleefanka ayey iska beddeshay, magaaladiina wey ka tagtay, kama maaranto oo wey jeceshay, balse maanta waa go’aan ay qaadatay.
Maalmo aad u xanuun badan ayaa u bilawday, waxay tiri:- Markaan gaarigii Cagta saaray, waxaa igu siyaaday jaceylkii aan u qabay, waxay ila noqotay, inaan nolasheydii oo dhan ka tagaayo, wadnahayga aad ayuu u garaacay, jirkaygana wuu daalanaa, awoodii oo dhana way iga tagtay, Hal daqiiqo xataa qalbigeyga kama baxaayo.
Niyadeyda waxaa ku sawiran, sida ay farxad ugu wada noolaan lahaayeen, haddii ay is helaan, waayo si fiican ayay isku barteen, raalina wey iska ahaayeen, weyna isku qanacsanaayeen, sheekadana way isugu bixi jiratay.
Ayuub wuxuu garowsaday Qaladka uu galay, wuxuuna garwaaqsaday Qofka uu waayay, qiimahiisa jaceylka uu u qabo iyo iyada key u qabto, Naftiisa ayuu Canaan aan wax tareyn kala dul dhacay, wuxuu naftiisa is leeyahay, Hal mar may ku soo laabato, weligaa Qalad dambe kamaad gasheen, waxaana waad iska deyn lahayd.
Waxey Arrintu sidaas ahaataba Maalintii dambe ayuu xaafadii tagay, si uu u soo arko jaceylkiisa una raali geliyo, balse waxaa loo sheegayn iney Magaalada ka maqan tahay.
Ayuub markii loo sheegay Ifraax inay ka tagtay Magalada, wuxuu bilawday Murug iyo isla hadal, meel uu ka doono ayuu waayay, wuxuu gaaray inuu Naftiisa ku canaanto yaa Mar keliya i tuso.
Ayuub ma Hurdo, mana harsado, wuxuuna go’aansaday inuu raadiyo Gacalisadiisa uu isaga Xumeeyay, meel walba oo ay raad dhigtayna ka daba dhigo, ilaa uu la kulmo waxaana loo sheegay Magaalada ay u Safartay, isla markiiba wuxuu u soo qalab qaatay Magaladii ay iyadu joogatay.
Waddadu dheeraa, Gaariguna socod yaraa, intii waddada lagu jiray ayuu ku Cataabay, balse maba garanaayo meel uu ugu hagaago marka uu tago Magaalada.
Ugu dambayntii wuxuu Gaarigu Cago jiid u socdaba, goor Casar ay tahay ayuu soo gaaray, Magaaladii loogu sheegay iney joogto Gacalisadiisa, Isma waaline marka hore Hotel ayuu iska degay, wuxuuna wacay Gabar ay Ifraax Saaxiibo ahaayeen, taas oo joogta Magaalada uu yimid, wuxuuna u sheegay inuu Magaalada joogo, isla markaasna wuxuu ka codsaday iney Xaafadda tagto oo ay qaab Sir ah ugu sheegto, Xaafada ay Ifraax degen tahay iyo Adreeska Gurigeeda.
Gabadhii ayaa Xaafaddii tagtay, waxeyna u sheegtay inay u baahan tahay Ifraax, waxaana la weydiiyay, waxa ay ka rabto, waxayna ku tiri:- Halkaas ayaa Alaab la ii keenay, Qofkii wadayna wuu noqday, iyada ayaan ku oran lahaa Gaariga ii soo saar.
Gabadhii durba waxaa la siiyay Lambarkii Xaafada ay joogto Ifraax iyo meesha ay ku taalo, waxeyna u sii gudbisay Ayuub. Wuu farxay, wuxuuna hadda diyaar u yahay inuu la kulmo, Marwadii uu qalbiga ka jebiyay, balse ma oga waxa ay ugu jawaabi doonto, oo cabsi ayuu dareemayaa. Wuxuu la kaashaday Dad ay maalmahaas meesha iska barteen, waxaana loo sheegay, Xaafadda ay Ifraax joogto.
Xilli Galab ah, ayuu Ayuub u soo dhaqaaqay, xaafaddii ay joogtay gabadhii uu hayaanka u soo galay, waxaa qalbigiisa ku jirta markaad sidaas u aragto, dadka hortooda Luguha qabso oo Cafis ka dalbo, sidaas ayuuna go’aansaday. Wuxuu soo gaaray Albaabkii Xaafadda, wuuna garaacay, waana lagu faray, Ifraax ma joogtaa ayuu weydiiyay, mise wuxuuba Isha ku dhuftay, iyada oo Barxadda Kursi ku fadhida.
Sida bisad wax gaadeysa ayuu inta Talaaabo dabacsan soo qaaday, ayuu horteeda intuu isku tuuray oo jilbaha dhulka dhigtay ayuu isaga oo Madaxa hoos geynaaya, Lugaheeda Dhunkaday, Dadkii meesha joogay oo aan xaaladaan waxba kala socon, ayaa yaab iyo Amakaag Afka kala qaaday iyagoo is leh War Ninku miyuu waalan yahay, waa maxay wuxuu sameynaayo?.
Ayuub indhihiisa Illin kuma harin oo Indhihii ayaa Casaaday oo Bar-bararay, wuxuu dib uga qoomameeyey Abaalkii loo galay iyo sida fool xumada laheyd uu ugu Abaal guday, Gabadhii Naf iyo Maalba u hurtay, ifkana isaga ka dooratay. Alla Ifraax maxey sameyn doontaa, oo maanta la gudboon ?.
( La soco Qeybta Xigta).






